←
Jubaland State House1,557 posts
Jubaland State House avatar

Jubaland State House

@JSStatehouse

The Official Account Of The State House of Jubaland State of Somalia.

◷ Joined June 2009▧ 895 Photos and videos
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 14

Kismaayo, 14 November 2026 – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Mudane Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Dowladda Jubaland.

Post attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 9

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda iyo xubno kale.

Post attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 9

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka Jubaland, iyo xoojinta wada shaqaynta Dowladda Jubaland iyo Hay’adda WHO.

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 9

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, H.E @PresidentMadobe , ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Humphrey Karamagi, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 6

Madaxweynaha ayaa xusay in dhismaha waddadan uu tusaale u noqon doono sida dadka reer Jubaland iyo Dowladdoodaba ay uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha bulshada.

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 6

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay sida dadka ku dhaqan deegaannadan ay diyaarka ugu yihiin dhismaha waddadan iyo sida ay u gacan siinayaan hay’adaha Dowladda ee shaqadan haya.

Post attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 6

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta, intii uu kormeerka ku marayay deegaannada Miido, Harboole iyo Biibi ee gobolka Jubbada Hoose, kormeer ku soo maray waddada dheer ee isku xirta Kismaayo iyo Afmadow, oo ay Dowladda, iyadoo kaashanaysa shacabkeeda, si iskaa wax u qabso ah u dhisayso.

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 6

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland, Janaraal Ismaaciil Saxardiid, sarakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan iyo mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kale ee Dowladda Jubaland.

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 6

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanada Miido, Harboole iyo Biibi ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu kormeer ugu tagay Ciidanka Daraawiishta Jubaland ee saldhig ku leh Deegaannadaas.

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 2

Guddoonka Baarlamaanka, xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Post attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Nov 2

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo muddooyinkii lasoo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubaland.

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Oct 10

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Yuusuf Cumar, ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland, kaas oo lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027. Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan miisaaniyadda, iyadoo sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay 2.42%, halka wadarta guud ee Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027 ay dhan tahay $60,886,783.86. Waxaa Miisaaniyadda sannadka 2027 si gaar ah diiradda loogu saaray qorsheynta maaliyadda dowladda iyo mudnaanta hawlaha la qorsheeyey in la fuliyo sannadka soo socda. Miisaaniyaddan ayaa saldhig u noqonaysa maareynta dakhliga, qorsheynta iyo habaynta kharashaadka dowladda, iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee mudnaanta u leh bulshada Jubbaland. DHAMMAAAD

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment
Ahmed Sheikh Mohamed Islam avatar
⟳ Jubaland State House retweeted
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·Aug 15

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, gaar ahaan ardayda reer Jubaland ee sanadkan ka gaaray natiijooyin wanaagsan.

Post attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Aug 8

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Danjire Arnaud Suquet. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee Soomaaliya, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarinta adeegyada bulshada, arrimaha bini’aadantinimada, iyo muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo horumarka. Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment
Jubaland State House avatar
Jubaland State House@JSStatehouse·Aug 7

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr iyo Masuuliyiin kale. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howllgallada lagu xoreynayo deegaannada Jubaland iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada. Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, Mudane Maxamed Axmed Sabriye.

Post attachmentPost attachmentPost attachmentPost attachment